Mid ka mid ah raggii Göteborg lagu xiray oo la siidaayay

11

Mid ka mid ah afartii nin ee la sheegay in ay xiriir la leeyihiin xarakada Al-shabaab ee lagu eedeeyay in ay maleegayeen weerar argagixiso oo ay ka geystaan magaalada Göteborg isbuucii la soo dhaafay ayaa la siidaayay.

Ragga lagu kala magacaabo Salar Sami Mahamood, 23, Abdi Aziz Mahamud, 26, iyo Abdi Weli Mohamud oo 25 sano jir ah ayaa maxkamad ku taala magaalada Göteborg waxay amartay in xabsiga lagu sii hayo balse waxaa la sii daayay ninka lagu magacaabo Mohamed Adel Kulan oo 24 jir ah ka dib markii la sheegay in aan loo hayn cadeyn ku filan sii hayntiisa.

Qareemada matalaya wiilasha xabsiga lagu haayo ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadanayaan xabsigooda maadaama aysan jirin cadeyn ku filan oo lagu hayn karo. Qareemada ayaa sidoo kale cambaareeyay qarsoonida kiiska lagu haysto raggaan iyadoo aan wali si cad loo soo bandhigin eedeymaha ka dhanka ah.

Raggaan ayaa la soo xiray sabtidii la soo dhaafay ka dib markii la sheegay in ay qorsheynayeen in ay weerar ku qaadaan goobta lagu magacaabo  Röda Sten oo la filaayay in uu yimaado ninkii nabiga aflagaadeeyay ee lagu magacaabo Lars Vilks.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here