Maxkamada sare ee Socdaalka oo ku celisay muhiimada luuqada

37

Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa adkeysay muhiimada ay leedahay baaritaanka lahjada qofka magangalyada dalbanaya. Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay Laanta Socdaalka diidmo siisay nin Soomaali ah oo lagu diiday in uu koonfurta ka soo jeedo lahjadiisa darteed.

Ka dibna Maxkamada Socdaalka (Migrationsdomstolen) ayaa arintaas ku qilaaftay Laanta Socdaalka oo sheegtay in baaritaanka luuqada ee lagu sameeyay ninka uu ahaa mid daciif ah isla markaana aysan lahjadu muhiimad weyn lahayn, iyada oo dalbatay ninkaas in kiiskiisa dib loo eego.

Laanta Socdaalka ayaan intaas sheekada uga harin oo waxay racfaan u gudbisay Maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) taasoo baaritaan ka dib go’aan ku gaartay in luuqadu muhiim tahay marka la baarayo kiiska qofka balse ay tahay mid shaqsi shaqsi loo isticmaalo oo keliya.

Laanta Socdaalka ayaa mudo isticmaalaysay baaritaanka luuqada iyaga oo dadka cajalad ka duuba ay ku eegayaan lahjada qofka iyo aqoonta uu u leeyahay halka uu sheeganayo in uu ka soo jeedo.

Maxkamadaha Socdaalka ayaa u kala baxa Migrationsdomstolen iyo Migrationsöverdomstolen oo iyadu leh awooda ugu sareysa. Haddii maxkamada Socdaalka ee caadiga ah ay go’aan gaarto ayaa Laanta Socdaalka waxaa u furan in ay racfaan u gudbiyaan Maxkamada Sare.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here