Lacagta lagu bixiyo dhamaynta SFIga oo la dhaliilay

3

Lacagta loo yaqaan SFI-bonus ee la siiyo dadka koorsada luuqada ku dhameeya mudo sanad ka yar ayaa aad loo dhaliilay iyadoo la sheegay in si aan wanaagsaneyn loo soo agaasimay isla markaana aysan ku caawin soo galootiga in ay luuqada degdeg u bartaan.

Warbixintaan oo uu soo ururiray wargeyska Riksdag & Departement  ayaa lagu sheegay in dadka dhameeya luuqada ay yihiin kuwa firfircoon oo markasta dhameyn lahaa koorsada lacag haddii la siiyo iyo haddii kaleba. Ilaa markii la bilaabay sanadkii hore iyo hada ayaa waxaa lacagta qaatay 1950 qof lacagtaas oo gaareysa 18 milyan oo karoon.

Quburo la wareystay ayaa ku taliyay in wax laga badalo ujeedada loo bixiyo lacagta oo sheegay in ay haboontahay in dadka lagu siiyo lacagta heerka ay luuqada ka gaareen halka ay noqon lahayd waqtiga ay ku dhameeyaan.

Soo galootiga qaar ayaa lagu eedeeyaa in aysan dooneyn in ay dhameeyaan SFIga maadaama taasi ay noqoneyso in ay shaqooyinkooda ay saacado buuxa qabtaan ama in laga doonayo in ay baraatiik ama shaqo raadis galaan. Dhinaca kale dhameystirka SFIga ayaa qofka u furaya fursado waxbarasho oo balaraan iyo xoriyad uu ku guuri karo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here