Faransiiska oo laga mamnuucay in salaada wadada lagu tukato

4

Caasimada dalka Faransiiska ee Paris ayaa laga mamnuucay in wadooyinka lagu tukado salaada taasoo looga soo horjeedo Muslimiinta oo wadooyinka ku tukada maalmaha jimcaha mararka ay masaajida buuxsamaan.

Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in Muslimiinta oo buuxinaya dariikhyada shacabka ay dadka shook ku dhalineyso isla markaana ay ka soo horjeedo nidaamka cilmaaniyada ee ka jira wadankaasi Faransiiska.

Muslimiinta ku nool xaafad lagu magacaabo Goutte d’Or  oo ku taala Paris ayaa sanadihii u dambeeyay caadeystay ku tukashada banaanka maadaama la xiray Masaajid weyn oo 4000 qof qaaday oo goobtaasi ku yaalay. Wasiirka arimaha gudaha ayaa sheegay in xoog loo isticmaali doono cidii jabisa amarka.

Muslimiinta ayaa ka soo horjeestay amarkaan iyadoo laga soo xigtay mid ka mid ah imaamyada xaafadaas oo oronaya “Anagu lo ma nihin”. Goob cusub oo loo sameeyay in ay Muslimiintu ku tukadaan ayuu sheegay imaamku in ay saluugsanyihiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here