Dowlada oo canshuurta ka dhimaysa maqaayadaha

1

Dowlada Sweden ayaa miisaaniyada dayrta ku soo bandhigtay in ay canshuurta ka dhimayaan maqaayada taasoo looga golleeyahay in lagu abuuro shaqooyin. Canshuurta loo yaqaan Moms ee ay bixiyaan maqaayada ayaa maanta gaaraysa 25% iyadoo dowladu ay ka dhigayso 12% oo keliya.

Wasiirada ganacsiga Maud Olofsson ayaa sheegtay in maqaayaduhu ay yihiin goobo ay ka shaqeeyaan dad badan oo dhalinyo iyo soo galooti isugu jira kuwaasoo u baahan shaqo abuurid. Maadaama laga dhimayo maqaayadaha canshuurta ayaa la filayaa in taasi ay hoos u dhigto qiimaha cuntada isla markaana ay ku dhiiri galiso dad badan in ay maqaayadaha wax ka cunaan.

Maqaayadaha ayaa ka mid ah goobaha ugu badan ee dadka soo galootiga ah ay ka shaqeeyaan iyadoo la filayo in arintaan ay saameyn wanaagsan ku yeelato soo galootiga.

Canshuur dhimada ayaa dhaqan gali doonta 1da Janaayo 2012.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here