Dood ku saabsan arinta mideynta reeraha Soomaalida [Video]

32

Dooodaan waxay isbuucaan dhexmartay labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Sweden oo kala ah Fredrick Federly oo matalaya xisbiga Centerpartiet kuna hadlaayay afka dowlada iyo  Christina Höj Larsen oo ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet.

Waloow labada xildhibaan ay isku fikir dhowyihiin marka laga hadlaayo muhiimada ay leedahay arintaan oo uu dhowr jeer ku celceliyay Fredrick in hawsha ugu horeysa ee ay bilaabayaan ay noqon doonto marka baarlamaanka la furo, ayaa Christina waxay tahay mid dhaleeceyn dusha kaga tuurtay dowlada oo dhan.

Xitaa waxay u soo jeedisay in xisbigiisa ay ku soo biiraan iyaga oo ay la codeeyaan marka ay soo bandhigaan mooshin ku saabsan arinta mideynta reeraha Soomaalida. Christina ayaa xitaa sheegtay in cunsuriyad darteed lagu diidanyahay mideynta Soomaalida.

Fredrick Federley ayaa sheegay in ay sugayeen go,aankii maxkamada ee soo baxay bishii May oo hada ay diyaar u yihiin in arintaan wax laga qabto. Waxa uu sheegay in dhibaatada haysata waalidiinta Soomaalida ay tahay mid adag oo aysan xooga saari karin in ay bulshada dhexgalaan haddii caruurtooda ay ka maqanyihiin.

Ugu dambeyntii ayaa Fredrick la waydiiyay waqtiga ay arintaan qaadan karto, waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ee markii baarlamaanka la furo hawsheeda galayaan balse waxa uu dhowr jeer ku celceliyay in ay muhiimtahay in caruurta lala mideeyo waalidiintooda dhabta ah iyadoo Christina ay uga jawaabtay in 1500 caruur ah DNA laga qaaday oo loo diiday in lala mideeyo waalidiintooda oo sax ah.

Debatt%20-%20varf%C3%B6r%20accepterar%20inte%20Sverige%20somaliska%20pass

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here