Dayax gacmeed dhulka ku soo dhacay

7

Dayax gacmeed ay leedahay hayada NASA ee Maraykanka ayaa dhulka ku soo dhacay kaasoo la filaayay xalay. Dayax gacmeedkaan ayaa la sheegay in shidaalka uu ka dhamaaday isla markaana aan la kontorooli karin iyadoo xitaa NASA ay ku adkaatay in ay ogaadaan halka uu ku dhacay iyo saacada saxda ah ee uu dhacay.

Waxay sheegeen in uu ku kala firdhaday dhul gaaraya 500km oo inta badan ka tirsan badweynta basafiga iyo agagaarka qaarada Afrika. Nasa ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay ogaato halka uu ku dhacayo dayax gacmeedkaan oo culeyskiisa ka badanyahay 1000kg balse waxay sheegeen in uusan wax qatar ah ku ahayd dadka maadaama uu ku gubtay marka uu dhulka soo galay oo boqolaal qeybood u kala goay.

Dayax gacmeedkaan ayaa la diray sanadkii 1991 isagoo ay ku baxday 750 milyan oo dollar.  NASA ayaa qiratay awood la’aanta ka haysatay in ay qiyaasaan goobta uu ku dhici doono. Haddii u dad ku dhici lahaa ayaa la sheegay in NASA ay saarantahay masuuliyada in ay bixiso wixii magdhow ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here