Amaan iyo dhaliil loo jeediyay nidaamka magangalyada Sweden

15

Nidaamka magangalyada looga dalbado Sweden ayaa la sheegay in uu ka midyahay kuwa ugu wanaagsan aduunka. Hay’ada UNHCR oo u kuurgashay go’aamadii ay laanta Socdaalka gaartay labadii sano ee la soo dhaafay ayay ku amaaneen hawshooda balse waxay sheegeen in loo baahanyahay horumar.

Laanta Socdaalka ayaa la sheegay in kala bar dadkii iska dhiibay Sweden labadii sano ee la soo dhaafay ay siisay magangalyo. Marka laga soo tago amaanta loo jeediyay Sweden ayaa laanta Socdaalka lagu dhaliilay in aysan si isku mid ah ula tacaalin kiisaska dadka isla markaana qareemada loo qabto dadka ay yihiin kuwa aan hawshooda si hufan u gudan.

Hay’ada ayaa ku talisay in shaqaalaha Laanta Socdaalka la siiyo waxbarasho dheeraad ah iyo tababar joogto ah si ay ula socdaan xaalada sharciga aduunka.

Sweden ayaa markii loo barbar dhigo wadamo badan oo Yurub ah sida wadamada dariska ah ee Norway iyo Denmark waxay tahay mid kaga wanaagsan dhinaca soo dhaweynta magangalyo doonka. Soomaalida iska dhiibta gudaha Sweden ayaa qaasatan sanadihii dambe waxaa aad loogu fududeeyay sharciyada.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here