Aabbe Soomaaliyeed oo caruurtiisa & xaaskiisa baadi goobaya

43

Waxaa ila soo xiriiray aabbe Soomaaliyeed oo sheeganaya dhibaato xoog leh oo ku dhacday ka dib markii uu waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen qoyskiisii. Aabahaan oo lagu magacaabo Abdullahi Moalim Mohamed kuna nool Nairobi, Kenya ayaa sheegay in xaaskiisa iyo caruurtiisa ay isugu dambeysay bishii Oktoober ee sanadkii 2008. Waxa uu ii sheegay in meelkasta uu ka raadiyay oo xitaa BBC uu ka baafiyay labo goor balse markii dambe uu helay warar sheegaya in Sweden ay ku nool yihiin.

Hadaba waxaa laga codsanayaa dhamaan Soomaalida ku dhaqan Sweden ee akhrisata boggaan in ay ka qeyb qaataan mideynta reerkaan kala lumay. Aabahaan oo ka halaaya qisada ka dambeysa arintaan ayaa ii sheegay in uu saxafi ka ahaan jiray idaacada Radio Muqdisho taasoo kaliftay in nafsadiisa qatar gasho oo uu la kulmi waayay reerkiisa oo ku noolaa dhinaca kale ee magaalada Muqdisho. Waxaa loo sheegay mudo ka dib in xaaskiisa  ay caruurtii la qaxday isagoo dib dambe aan u arkin.

Waa u xiisey xaaskeyga iyo caruuteedaba waxaan u cadeeynayaa hadiiba  fariinteyda ay helaan in aan noolahay kuna suganahay dalka kenya magaalo madaxdiisa neyrobi,

Waa fariin ku socota reerkiisa. Hadaba magacyada reerkaan si fiican u akhriya oo cidii garaneysa fadlan ha la xiriiro Cabdullaahi oo aad ka heli kartaan telefoonka +**********.

Akhriso qeybta 2-aad http://somaliska.net/aabbe-caruurtiisa-baadi-goobaya-dhinaca-kale-ee-sheekada/

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here