SFI oo la doonayo in shirkadaha ay bixiyaan [Video]

12

Wasiirada waxbarashada iyo sinaanshaha Nyamko Sabuni oo qaabilsan koorsada SFI (Svenska för invandrare) ayaa ku dhawaaqday in ay dooneyso in SFIga lagu wareejiyo shirkadaha oo uusan keliya ku koobnaan kamuunada.

“Ma jiro nuuc iskuul kale oo dadku uga baxaan iyaga oo dhamysan marka loo barbar dhigo SFI. Sadexmeelood hal meel ayaa iskuulka ka tagtay qaar ayaa uga baxay shaqo ama caruurtoda darteed balse waxaa jira qaar uga baxay sababta oo ah waxbarashada oo aan wanaagsaneyn taasina ma ahan mid wanaagsan” ayay tiri Nyamko Sabuni.

Balse hada ayaa waxaa socda dib u habeyn lagu sameynayo SFI taasoo xooga la saarayo in natiijo ka dhalato koorsada iyadoo la doonayo in laysku qabto SFI, waxbarashada xirfada ama baraatiik. Arintaan ayaa hadaba ka socota dhowr magaalo.

Nyamko Sabuni ayaa hada qorsheyneysa in ay shirkadaha u furto SFIga oo iyagana ay awood u helaan in ay bixiyaan koorsada. Hada ayaa waxaa SFIga bixiya kamuunada oo keliya.

“Waxaan doonayaa in aan arko waxbarasho shaqsiyeed, waxaa wanaagsan in dhowr qeybood ay helaan fursada ay ku bixinayaan koorsadaan oo aysan ku koobnaan kamuunada oo keliya oo xooga la saaro suuqa shaqada”

ayay hadalkeeda ku soo afjartay wasiiradu.

SFIga ayaa ah koorso aad loo dhaliilo oo aan dadka waxbadan u faaideyn. Macalimiinta SFIga ayaa la sheegay in 10kii 1 keliya uu leeyahay tababar sax ah. Qorshaha Nyamko Sabuni  ayaa u muuqda mid wanaagsan haddii laga dhabeeyo.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here