Sweden oo ka laabatay xiritaankii safaarada Uganda

7

Sidii aaan soo warinay bishii Janaayo ee Sanadkaan Sweden ayaa qorsheyneysay in ay xirto 5 safaaradood oo ay ku jirto safaarada Uganda ka dib markii hoos loo dhigay miisaaniyada wasaarada Arimaha dibada.

Hadaba go’aankaas ayaa laga noqday ka dib markii ay heshiis gaareen Xulufada dowlada iyo xisbiga Social Demokraterna oo lagu heshiiyay in miisaaniyada la siyaadiyo oo aan safaaradaha la xirin.

Sweden ayaa mar hore waxay irdaha isugu dhufatay safaaradaha Malaysia iyo Angola balse hada ayaa dib loo furi doonaa safaaradahaas maadaama heshiis laga gaaray arintii miisaaniyada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here