Shir Soomaalida ku saabsan oo ka dhacay Stockholm

15

Maanta waxaan ka qeyb galay shir ka dhacay xarunta dhexe ee bangiga Swedbank ee magaalada Stockholm kasoo looga hadlaayay arimaha Soomaalida qaasatan shaqada iyo isdhexgalka oo uu soo qabanqaabiyay agaasimaha Swedbank Michael Wolf iyo gudoomiyaha magaalada Fagersta Stig Henriksson.

Shirkaan ayaa looga hadlaayay arimo ku saabsan Soomaalida iyo sidii suuqa shaqada ay u gali lahaayeen iyadoo ay ka soo qayb galeen madax muhiim ah oo ay ka midyihiin agaasimaha Arbetsförmedligen Angeles Bermudez Svankvist iyo haweeneyda dowlada u qaabilsan arimaha shaqada Catharina Bildt iyo xubno kale oo ka socday shirkado iyo haydaha dowlada.

Qodbooyin dheer ayaa laga soo jeediyay halkaa oo ku saabsan Soomaalida iyo sababta ay suuqa shaqada u gali lahaayeen iyo sida bangiga Swedbank uu uga qayb qaadan karo horumarinta Soomaalida iyadoo loo marayo mashruuc uu bangigu waday mudo labo sano ah oo loogu talagalay dadka dhalinyarada ah.

Maamulka magaalada Fagersta ayaa si firfircoon u doonaya sidii shaqo loogu abuuri lahaa Soomaalida halkaan ku nool iyadoo gudoomiyaha degmada Fagersta Stig Henriksson uu ku goodiyay in ay noqonayaan magaalada ugu wanaagsan.

Waxaa sidoo kale goobta warbixin dheer oo ku saabsan xaalada Soomaaliya ku soo bandhigay safiirka  u qaabilsan geeska Afrika Marika Fahlen. Goobta waxaa sidoo kale ka hadlay dhalinyaro Soomaali ah. Aniga ayaa sidoo kale ka jeediyay qudbad kooban oo aan uga hadlay caqabada Soomaalida ka haysta suuqa shaqada iyo in loo baahanyahay in Soomaalida xaga waxbarashada iyo warbixinta laga saacido.

Guntii iyo gunaanadkii ayaa Swedbank waxay balanqaadeen in ay il gaar ah ku fiirin doonaan Soomaalida isla markaana ay ku boorin doonaan shirkadaha iyo bangiyada kale in ay ka qeyb qaataan suuq galinta Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here