Nolosha magaalada Boden

17

Magaalada Boden waa magaalo ku taala waqooyiga Sweden kana tirsangobolka Norrbotten. Boden waxay masaafo gaaban u jirtaa caasimada gobolka Norrbotten ee Luleå. Magaalada Boden waxaa degan shacab lagu qiyaaso 45000 oo qof.  Magaalada Boden waa magaalo saldhig u ah ciidanka milatariga Sweden iyadoo sidoo kale ah goob la geeyo soo galootiga sharci sugayaasha ah.

Guryaha & Qarashka: Kireeyayaasha guryaha waxay ka kooban yihiin kommunal iyo privat, guryaheeda qol ama 2qol ah ee ay dagaan dadka kalikalida u nool aad ayey u dhib badan yihiin sida lagu helo, laakiin qoysaska way heli karaan sababtuna waxay tahay tirada ugu badan ee kireystayaasha ayaa ah arday ka kooban milatary iyo ajnabi aan weli familadoodii loo keenin haba ugu badnaadeen Soomaali.

Kama jiro wax midab takoor ah oo loo fiiriyo midab jinsi iwm marka qofku kireysanayo guri, laakiin waxaa mudnaanta 1aad la siiyaa qofka shaqeysta hadii guri ay wada dalbadaan qaar ka mid ah shirkadaha kirada. Guryaha waa 1qol 2000-3500 waxayna ku xiran tahay kvadratmeterka guriga uu ku fadhiyo. Qarashka qofka ee marxalada integrationka 2da sano kahor bishii janaayo 2011 dadkii yimid waxay xafiiska u qaabilsan kommunka siiyaan qofka dadiisu ka weyn tahay 29sano 7704 kr qofka kayarna 7190kr, laakiin kaas wuxuu xaq u leeyahay in uu ka helo hay ada caymiska lacagta kabida guriga.

Dadka soo galay wadanka 2011 janaayo waxay helaan lacag aan fadhin oo marba qiime ah, waxaa lagu jaangooyaa maalin shaqo oo ah si siman dadka oo dhan qofka aada iskuul, maalintii wuxuu qaadanayaa 308 kr 19-22 ayey u dhaxeysaa qaan sheegadkooda. Qeybta 3aad waa kuwa dhameystay intigrationka 2diisa sano misana aan helin shaqo guriga korontada iyo caafimaadka waxaa ka bixinaya kommunka waxaana la siinayaa 3500kr, hadii 2km masaafoka dheer loogu diro praktik waxaa laga bixinayaa resaha waana la kontroolaa oo bil kasta ayey blankett buuxiyaan hadii studieaktivitet ay ku helaan waxoogaa lacag ah waa loo xisaabiyaa.

Waxbarashada: Waxbarashada halkan waxbarasho ayaa ka jira ka kooban sfi iyo koorsooyin kale oo kala duwan. Waxayna ku xiran tahay sida uu qofka uga faaiideysto sfiga waxaa la dhigtaa 15saacadood isbuucii, qofkii dadaalaya oo fahma sida looguraadsado shaqo ama waxbarasho kale dag dag ayuu u socon karayaa. Koorsooyinka qasab ma ahan inuu qofku dhameeyo sfi kaliya waa in ay is fahmi karaan macalinka iyo gacanyaraha xafiiska shaqada u qaabilsan qofka. Waxaa jira dhalinyaro ay gacanta ku hayaan dad swedish ah oo dhigta dugsiga sare kuwo dhigta dugsiyo sare iyagane waxay qaataan 1500kr bishii.

Shaqada: Dadka magaalada way shaqeeyaan kuwo praktik loogudiray goobo kadibna isla goobahaas ka shaqo bilaabay oo hada ka baxay tijaabadii oo helay shaqo rasmi ah iyo kuwo ku shaqeeya saacado oo ka shaqeeya goobo waxbarasho intaba. Sanadkii kommunka wuxuu qaataa 50 qoys, laakiin sanadkaan wuxuu marayaa 52qoys isagoo sanadkii kalabar joogo. Hada waxaa jira amar ka soobaxay kommunka oo lagu amrayo inaysan ka kireysankarin guryo dadka doonaya inay dagaan magaalada iyagoo aan wadan warqad ogolaansho kommunka ah amarkaasoo loo qaybiyay bishii juli dhamaan kireyayaasha guryaha ee Boden.

Nolosha Guud: Nolosha waa ay fiican tahay waxaa jira dukaaman gaaraya 4 oo ay leeyihiin dad muslim ah oo laga helo noocyada kala duwan ee cuntada xalaasha. Waxaa kaloo laga helaa coop forum iyo consum raashinka xalaasha ah. Waxaa gabogabo maraya furitaanka dukaan weyn oo Wilys ah oo hirgelintiisa ay wadeen beryahaan waxaa kaloo ku yaala ice kväntum och supermarket. Magaalada waxay leedahay masaajid weyn lacagtiisa kirada waxaa bixiya kommunka dadka way isku xiran yihiin intooda badana waxay dageen magaalada mudo sanad ilaa sanad iyo bar qeybahaan

Waxaa soo diyaariyay: Abdulkadir hassan Abdi, Boden

Warbixintani waa mid ka mid ah barnaamijkii aan ugu tala galnay in aan kaga warano nolosha kamuunada Sweden. Adiguna waxaad noo soo diri kartaa warbixin ku saabsan nolosha kamuunka aad ku nooshahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here