Iskuuladii SFIga oo furmay iyo Soomaalida oo guul u caaboon

4

Maanta waxaa si rasmi ah dib ugu furmaya iskuulada laga dhigto luuqada Swedishka ee wadanka oo dhan. Soomaalida ayaa waxay ka mid yihiin dadka ugu badan ee hada xaadira fasalada SFIga iyadoo  sanadkii la soo dhaafay ay dowlada kor u qaaday hamiga koorsadaas ka dib markii ay bilaabeen in ay lacag ku bixiyaan dhamaystirka koorsada.

Hadaba ardada Soomaaliyeed ee dhigata ama bilaabeysa bishaan ayaa u caaboon in ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee dhameeya koorsada isla markaana hore u qaataan xoogaaga ay bixiso dowlada. Dad badan oo aan la kulmay ayaa ii muujiyay sida ay ugu heelan yihiin in ay soo gabangabeeyaan koorsadaan. Qofkasta waxa uu aaminsanyahay in dhameystirka SFIga uu noqon doono furaha ay si fiican ugu dhexgali karaan Sweden.

Hadaba waxaan jeclahay dhowr qodob oo talo ah in aan u soo jeediyo ardada higsaneysa in uusan SFIgu la dhaafin deyrtaan.

1. Buugta Akhri: Anigu shaqsi ahaanteyda waxaan ka mid ahay dadka ku dhib qaba aqrinta buugaagta balse waxaa la ogaaday markasta oo aad buugaagta akhriso in ay kuu kordhayaan erayo cusub, xitaa haddii aadan turjuman madaxaaga ayay galayaan erayadaas. Marka Bibliotega ha la booqdo oo soo daynso buugta qoraalka fudud (Lättläst -LL). Ha noqdo buug ka hadlaya sheeko xiiso leh si aadan ugu caajisin.

2. Dhoolatus u samee macalimiinta: Soomaali badan ayaa ka sheegta in macalimiintu ku dhaganyihiin oo aysan imtixaanka u ogoleyn. Qaar ayaa aaminsan in haddi macalinku siidaayo ay macalimiiinta shaqo la’aan ku dhaxeyso balse arintaas ayaa ah waxba kama jiraan. Macalimiintu waa dad la soo tababaray oo la socda horumarka aad sameyneysid iyo firfircoonidaada. Haddii ay kaa dareemaan in aad tahay qof firfircoon oo wax fahmaya fasalka kuguma haynayaan. Hadaba waxaa lagaa doonayaa in aad macalimiinta dhoolatus u sameyso, waa in aad suaal kasta oo ay soo tuuraan noqotaa kan ka jawaaba. Markasta oo ay leyli kuu diraan waa in aad degdeg ku soo kala tuurtaa. Isaga ayaa macalinku marka dambe kaa qaylinaya oo ku dhibsanaya. Waxa uu hoos iska leeyahay “War kan kadeed ayuu ku galiyee yaa ku dhaafiya!!

3. Akhriso wararka: Waa in aad la socotaa wararka iyo wargeysyada, markasta oo aad akhriso wararka waxaad sameysaa in aad kala baxdo liis erayo ah oo aad turjumaad ku sameyso ka dibna aad madaxa gashato. Markasta oo eray kuu siyaado waa horumar kuu siyaaday.

4. Soo afjar labada buug: Waa in aad soo afjartaa labada buug ee SFIga laga bixiyo ee kala ah MÃ¥l 1 iyo MÃ¥l 2. Waa in aad isku daydaa in aad meel saarto buugtaas oo aadan uga tagin hal eray oo aadan aqoon isla markaana aad fahantaa naxwaha ku jira.

5. Imtixaanku ma ahan nuucii Soomaaliya: Sida aad aragteen ama aad arki doontaan imtixaanada SFIga ma ahan nuucyadii Soomaaliya ee lagu keeni jiray wixii laguu soo dhigay. Imtixaamadaan waxay ku dhisanyihiin xaalado dhab  ah oo quseeya nolosha. Sida keliya ee aad guul uga gaari kartid waa in aad horumar xaga luuqada ah sameysay. Sidaa darteed ha isku mashquulin in aad soo xafido buugta ama warqadaha ee waxaad isku daydaa in aad fahanto macnahaha iyo ujeedada guud iyo mida gaar ahaaneed.

Waa ku kaasaa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here