IKEA oo 62$ milyan ugu deeqday abaaraha Soomaaliya

8

Shirkada qalabka guryaha ee laga leeyahay dalkaan Sweden IKEA ayaa hayda UNHCR ugu deeqtay lacag gaaraysa 62$ milyan oo dollar taasoo la doonayo in wax looga qabto abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Lacagtaan oo si tartiib ah loo bixin doono ilaa 3-da sano ee soo socota ayaa noqoneysa deeqdii ugu badneyn ee shirkadi ay ugu deeqto UNHCR ilaa maalintii la aasaasay.

Hayada UNHCR ayaa u mahadcelisay shirkada IKEA iyagoo sheegay in lacagta ay u isticmaali doonaan in ay ku quudiyaan oo dib ugu dejiyaan kumanaan Soomaali ah oo ka soo qaxay abaaraha geeska Afrika. ilaa 120,000 oo qof ayaa la sheegay in lagu caawin doono lacagtaan.

IKEA ayaa ah shirkada sameysa alaabada guryaha ee ugu weyn caalamka iyadoo uu aasaasay wiil 17 sano jir ah oo lagu magacaabo Ingvar Kamprad sanadkii 1943.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here