Göteborg: Iskuul Soomaaliyeed oo si weyn loo dhaliilay

8

Iskuulka lagu magacaabo Römosseskolan ee ku yaala magaalada Göteborg oo uu maamule ka ahaan jiray mudanaha Soomaaliga ah ee hada baarlamaanka ku jira CabdriRisaaq Waaberi ayaa dhaliilo aad qatar u ah loo soo jeediyay.

Iskuulka ayaa lagu eedeeyay in ardada aan si isku mid ah dhibcaha loo siin oo macalimiintu ay muhiimada siiyaan wiilasha. Waxaa sidoo kale eedeynta oo ay soo bandhigtay waaxda la socodka iskuulkada (Skolinspektionen) lagu sheegay in macalimiintu ay ardada gacanta u qaadaan.

Waxyaabaha kale ee lagu eedeeyay iskuulka ayaa waxaa ku jira liis dheer oo ay ka mid yihiin

1. Gabdhaha oo lagu xadgudbo. Waxaa lagu sheegay warbixinta in casharada diinta gabdhaha lagu qasbo in ay cadeeyaan in ay caado qabaan iyo in kale si aysan quraanka u akhrin taasoo ay ogaanayaan ardada kale iyo macalimiinta.

2. Ardada oo lagu qasbo carabiga. Waxaa lagu sheegay warbixinta in ardada aysan luuqadooda ahayn Carabiga lagu qasbo in ay qaataan casharada luuqada carabiga.

3. Xoriyada diinta oo lagu xadgudbo. Warbixinta waxaa lagu sheegay in ardada lagu qasbo salaada iyadoo aysan qaar badan dooneyn in ay tukadaan.

4. Waxbarashada oo liidata. Ardada inta badan waxbarashadooda waa hooseysaa, oo xitaa kuwa ugu fiican dugsiyada kale lama qabsan karaan.

5. Dagaal. Waxaa la sheegay in dagaal ardada dhexdooda ah uu iskuulka markasta ka dhaco.

6. Isdhexgal la,aan. Ardada waxaa la sheegay in la baro dhaqanka Islaamka, carabta iyo Soomaalida oo aysan ka shaqeysan bulshada Swedishka.

7. Macalimiinta oo ardada dila. Qaasatan macalimiinta carabta iyo Soomaalida. 

Eeedeymahaan ayaa ah kuwa qatar ah oo sumcad xumo weyn ku ah Iskuulka iyo Xildhibaanka. C/risaaq Waaberi ayaa idaacada EKOT u sheegay in uusan warbixinta akhrisan balse uusan hada muhiimad siin arimahaan maadaama uu baarlamaanka ku biiray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here