Dhaqaalaha Sweden oo laga yaabo in uu soo xumaado

2

Dhaqaalaha Sweden ayaa laga yaabaa in uu soo xumaado iyadoo Wasiirka Dhaqaalaha  Anders Borg  uu hoos u dhigay saadaalintii koboca dhaqaalaha ee sanadka soo socda. Arintaan ayaa loo eedeeynayaa dhaqaalaha aduunka oo hoos u dhac ku yimid qaasatan suuqyada Yurub iyo mareykanka oo isbuucyadii ugu dambeeyay qasaare weyn soo gaartay.

Wasiirka dhaqaalaha ayaa sidoo kale ka dayrinaya suuqa shaqada iyadoo la filayo in sanadka soo socda ay siyaado tirada dadka shaqo la’aanta ah. Wasiirka ayaa sheegay in la doonayo in la yareeyo isticmaalka guud. Sweden ayaa ka mid ahayd sanadihii ugu dambeeyay wadamada dhaqaalahooda uu kor u kacayo iyadoo cabashada ka soo yeertay wasiirka dhaqaalaha ay saameyn ku yeelan karto guud ahaan bulshada.

Suuqyada lagu kala iibsado sheerarka shirkadaha ee Yurub iyo Maraykanka ayaa isbuucyadii la soo dhaafay waxaa la soo daristay qasaare aad u weyn iyadoo bangiyo badan ay qarka u saaranyihiin in ay kacaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here