Arbetsförmedlingen waxay shaqo u heshay 10 qof oo soo galooti ah!!

4

Laanta Shaqada ee Sweden (Arbetsförmedlingen) ayaa sheegtay in ilaa 2010 bishii december markii lagu wareejiyay qaabilaada dadka soo galootiga ah ay shaqo u heshay 10 qof oo keliya halka way diiwaan galisay 4000 oo shaqo doon ah.

Warbixintaan oo ay soo bandhigtay Laanta ayaa lagu sheegay in tiro aan ka badnayn 50 qof oo ku jira nidaamka cusub ee isdhexgalka ay hada shaqeeyaan iyadoo sababta ay u adkaatay shaqada lagu sheegay guryo la’aanta ka jirta goobaha shaqada leh.

Arbetsförmedlingen ayaa sheegtay in ay dadka kula taliyaan in ay aadaan goobaha shaqadu ka jirto ee magaalooyinka waaweyn balse aysan dadku halkaa guri ka heli karin taasoo caqabad weyn ku noqotay shaqa helida. Waxaa kale oo eeda la saaray in waqtiga la sugo SFIga uu asna dhibaatoyahay. Waxaa kale oo caqabad lagu tilmaamay in waalidiinta caruurta wata ay waqti dheer ku qaadato in ay xanaano u helaan caruurtooda.

Si kastaba ha ahaatee, Laanta Shaqada Sweden Arbetsförmedlingen ayaa ka mid ah haydaha loogu necebyahay dalka iyagoo lagu eedeeyo in ay dadka waqtiga ka dhumiyaan oo aysan waxba qaban. 10 qof oo shaqo heshay mudo sanad ku dhow oo ay dhimantahay 3990 qof waa arin laga naxo.

Soomaalida ayaa cabasho aad u weyn ka muujiya qaabka ay u shaqeyso Arbetsförmedlingen iyo sida uu u socdo nidaamka cusub ee isdhexgalka. Isniintii shirkii ka dhacay Stockholm ayaan su’aal ku saabsan fashilka ku yimid barnaamijkaan waxaan hordhigay haweeney ka socotay Wasaarada shaqada oo isku dayday in ay noo qurxiso barnaamijkaan. Jawaabta suaasheydii ayay guud ahaanba dhinac martay, taasoo iila muuqatay in aysan jawaab sax ah u ahayn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here