“Waxa uu ka tiranaa bog ay cunsuriyiinta Sweden leeyihiin”

8

Ninka xasuuqa ka geystay Norway ayaa la sheegay in uu xubin ka ahaa bog internetka  oo ay leeyihiin cunsuriyiinta Sweden halkaasoo uu ku qori jiray neceybkiisa uu u qabo Muslimiinta iyo inta soo dhaweysa. Websiteka lagu magacaabo Nordisk oo ay isticmaalaan cunsuriyiinta ku dhaqan cariga Iskaandaneeviya ayuu ka tirsanaa ninkaan isagoo ilaa dhowr sano ku qori jiray carada uu ka qabo soo galootiga qaasatan Muslimiinta iyo Xisbiga talada Norway haya ee soo dhaweeya soo galootiga.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu yahay nin Kiristaan ah oo sidoo kale la dhacsan dagaaladii dhexmari jiray Muslimiinta iyo Kiristaanka dhowr qarni ka hor. Waxa u ku qoray bog internetka 17 bishaan hadal murti ah oo uu ka soo xigtay nin lagu magacaabo John Stuart Mill oo ahaa qoraa Ingiriis ah oo yiri “Hal qof oo aaminaad leh ayaa la mid ah xooga 100,000 oo xiiso keliya leh”

Waxaa la aaminsanyahay in fikradaha ninkaan ay la qabaan kumanaan ku nool Yurub iyo qaasatan Sweden oo la aaminsanyahay in ay ka cunsuriyiin badantahay Norway.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here