Tuugo afduubatay baabuur iyo haweenay 70 sano jir ah

2

Växjö: Labo tuug ayaa maalintii arbacadii waxay isku dayeen in ay xadaan baabuur Saab ah oo haweenay ay dhigatay dhinaca wadada ka dib markii ay suuliga aaday, iyagoo isla markii ay baabuurka soo galeen ugu yimid haweenay 70 sano jir ah oo darawalka asxaab ay ahaayeen. Labadaan tuug oo gabadh iyo wiil ahaa ayaa isku dayay in ay xoog uga saaraan duqda waaweeylka ah baabuurka iyagoo aysan taa u suurto galin.

Ka dibna waxay go’aansadeen in maamada waayeelka ah iyo baabuurka ay isku kaxeystaan. Dhowr kilo mitir markii ay socdeen ayaa duqdii waxay codsatay in ay iska dhigaan iyadoo sheegtay in ay u dulqaadan wayday xawaaraha ay dadkaas baabuurka ku socodsiiyeen.

Iyadoo haweeneydii baabuurka darawalka ka ahayd ay yaabantahay oo markaas booliska la wacay ayaa duqdii oo lugeyneysa waxay ka soo baxday wadada. Waxay sheegtay in tuugada ay ilaashanayeen in darawalka uu baabuurka  ka dago iyagoo isla markiiba isku dayay in ay kaxeystaan balse aan dareemin in qof baabuurka saaranyahay.

Booliska ayaa sheegay in aysan ilaa hada gacanta ku soo dhigin baabuurkii iyo labada tuug ee kaxeystay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here