Somaali lagu dilay weeraradii ka dhacay dalka Norway

9

Weerarradii ka dhacay dalka Nowray ee uu geystay nin ka tirsan dadka taageera
xisbiga midigta fog ee dalka Norway ayaa la sheegay in dadkii ku dhintay uu ka
mid ahaa wiil soomaali ah halka gabar soomaali ahna la la’yahay.

Wiilkan Soomaaliyeed oo ka tirsanaa dhallinyarad taageersan xisbiga talada
dalkaas haya, ayaa lagu magacaabi jirey Ismaaciil Xaaji Axmed waxaana sidoo
kale la la’yahay Muna Cabdi-Nuur oo ah gabar Soomaaliyeed waxayna ka mid
ahayd dad badan oo isku tuuray badda, waxaana la maqan saddex ruux oo kale sida
booliisku sheegay.

Weerarkii jimcadii la soo dhaafay Norway gilgilay ayaa loo qabtay Anders
Behring Breivik oo ah Kiristan xag jir ah oo muslimiinta iyo ajaanibta wadankaasi
ku noolba aad u neceb.

Waa markii ugu horeysay oo dad soomaali ah wax ka soo gaareen weeraro
argagixiso oo xagjir kiristan ah geysto, ayadoo inta badan waayihii dambe
warbaahintu hadal hayeen weeraro argagxiso oo dad soomaali ah lagu eedeeyo.

Saciid Cabdi Cusman

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here