Sheeko & Maqaal: Walaalayaaloow fuustada biyaha ka daaya

3

Jiilaalkii wuu daba dheeraaday, Roobna sadex sano ma da’in, Dhulkii waa nabaad guuray, Dugaagii daayoo dadkii baa haraad iyo gaajo u dhimanaya. Boqor jiray xiligaas oo dadka u arimin jiray ayaa talo ku soo jeediyay in fuusto weyn ladhigo bartamaha magaaladda qofkastaana uu koob caano ah ku shubo, isagoo kaligiis ah cid kalana aysan arkayn weliba xili habayn ah.

Taladdii boqorka la qaaday, gabalkiina dhac, Habeenku waa gudcur, iftiin kale majiro, qofkasta oo magaalada joogay koobkiisii ayuu soo buuxsaday si uu fuustada ugu shubo oo taladdii Boqorka u fuliyo.

Cadceedu sidii caadadu ahayd bari ka soo muuqatay, qofkastaana how-lmaalmeedkiisii caadiga u ahaa u tafa xayday. Boqorkii magaalada isaga howl kale ayaa u soo baxday oo ka duwan tiisii joogtada u ahayd. Kormeer ayuu ugu soo kicitimay Fuustadii si’ uu u hubiyo wixii ka dhaqan-galay wareegtadii shalay uu soo saaray. Layaab iyo Amakaag badanaa !! Fuustadii biyo ayaa afka jooga, wareegtadii shalay soo baxdayna dadka waxay faraysay in caano maahane wax kale aan lagu shubin. Xagee wax ka khaldanyihiin?!!

Halka sartu ka qurun-santahay ayaa ah in qofkastaa uu is yiri “Ummaddaas oo dhan ayaa caano ku shubaysa ee kaligaa koob biya ah oo aad ku shubtaa waxba kama dhibaayo ama lagama dareemayo” waana kaligaa xiliguna waa habeen gudcur ah oo iftiin jirin”. Run sheeg !! adiguba sow sidaa uma fakirteen!

Dulucda sheekada

Sheekadan waxaa jira fariino iyo tusaalayn si dadban ugu xusan, oo ladoonayo in aan ku waano qaadano, si haddaba waanooyinkaas ama tusaalayntaas aan uga wada faaidaysano ayaan jeclaa in aan si toos ah u xuso saameynta sheekaddan ay ku leedahay, xiligan la joogo ee abaaraha iyo collaadu isugu darsameen dadkeenii tiiyoo la soo sheegayo in Oon iyo gaajo loogu dhimanayo qaar kamida goboladda dalka Soomaaliya.

Abaaraha halakeeyay gayiga Soomaaliya ayaa lagu tilmaami karaa kuwo aad u daran oo lamida abaartii loogu magac daray “Caga bararka” ee ku dhufatay Koonfurta Soomaaliya sagaashameeyaddii, Waxayna la wadaagtaa in dadkii ay baahi iyo oon u dhimanayaan kana soo hayaameen halkii ay kunoolaayeen.

Haatan xiligaas aad baa looga duwan yahay waxaa jirra warbaahin Soomaalida iskala socoto oo aduunka ku baahsan, waxaana daqiiqad walba ogaan kartaa waxa ka soconaya guddaha Soomaaliya meel walbood caalamka ka joogto, laakiin cabsida jirtaa ayaa ah in qof walbaa uu is yirraahdo dad badan ayaa wax bixinaya sidaasna uu uga aamuso.

Walaalayaaloow qof waliba oo innaga mid ah lagama maarmo gargaarkiisa, “Allaa gar-gaar hayee” Fuustadda Biyaha ka daaya, Ha xisaabsan inta aad arkeyso ee dadka walaalaha ah bixinayaan,” Qof walibaa inta uu maanta hurro ayuu berri haleyaa,
laguuma qorayo ajirka dadka aad u jeedo ee wax la baxaya.

Gababada iyo gunaanadka

Hantida Eebbe ku siiyay wax ka bixi, oo dadka liita ee aad dhaanto wax kasii, ha dhihin dad wax siiya lama weynayo oo way buuxaan, anna in aan bixiyay iyo in kale cidba ma ogaanayso. Qofkasta in uu sidaas oo kale u fakaro sow ma dhici karto, sidaa darteed waxaan ku leeyahay WALAALOW FUUSTADA BIYAHA KADAA.

Muslimiinta oo dhan dhibaa haysta, Muslimiinta dalka aad ka soo jeedaba ha kuu muhiimsanadaane, in aad waxtarto si aduun iyo aakhiraba aad u liibaanto una ducayso walaalow maxaa kuu diiday, mise ducadada looma baahna ileen kuwa ducaynaya ee kale ayaa kaa badan. Kawaran hadii adiga, aniga iyo iyada sidaa ku fakarno yaaba haray dadkii, ileen dadka dhan waa adiga, iyada, aniga iyo isaga ama iyaga, sidaa darteen waxaan ku leeyahay WALAALOW FUUSTADA BIYAHA KADAA.

WD: Bashiir Macalin Cali {AbuXudayfah } Borlänge

Qoraalka:- Abdifatah Ali Adan
Mail: abdifatahadan@gmail.com
Nairobi – Kenya.
Sheekadda waxaa qoray Dr. Maxamed Rashaad Sheekh

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here