Qaraxa Oslo waxaa ka dambeeyay nin cadaan ah

18

Wararka ka imaanaya magaalada Oslo ayaa sheegaya in nin cadaan ah oo lagu magacaabo Anders Behring Breivik sida uu sheegay telefishinka NRK uu ka dambeeyay xasuuqii shalay ka dhacay Oslo. Ninkaan ayaa la sheegay in uusan wax xiriir ah la lalahayn Muslimiinta balse uu ka tirsanyahay ururada xagjirta cunsuriyiinta midigta fog.

Lama sheegin sababta ka dambeysay ninkaan weerarada uu geystay oo ilaa hadda galaaftay 92 qof. Arintaan ayaa naruuro u ah Muslimiinta ku dhaqan caalamka oo isla markii weerarka dhacay lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen.

Ninkaan ayaa  hada ka hor internetka ku daabacay nacaynka uu u qabo Muslimiinta iyo waxa loo yaqaan dhaqamada kala duwan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here