Nin dariskiisa dilay ka dib markii uu dhibsaday buuqooda

13

Maxkamada gobolka Blekinge ayaa xukuntay nin dariskiisa ku dilay magaalada Karlskrona ka dib markii uu sheegay in uu dhibsaday buuqa ka imaanaya gurigiisa. Maxkamada ayaa xukuntay in ninkaan lagu haayo goobaha dadka waalan.

Ninkaan ayaa dariskiisa oo 19 sano jir ahaa dilay bishii Janaayo ka dibna qirtay in uu dilay qofkaas ka dib markii uu dhibsaday dhawaaq ka imaanayay gurigaas. Waxa uu sheegay in uu midi qaatay ka dib uu ku garaacay guriga, isla markii laga furay ayuu midi ku bilaabay wiilka la dilay.

Ninkaan ayaa markii uu dilka geystay waxa uu aaday jaamacada Blekinge Tekniska Högskola oo uu ka shaqeynayay ka dibna waxa uu email u diray wargeyska magaalada ka soo baxa isagoo u sheegay falka uu geystay kana codsaday in booliska la waco.

Arintaan ayaa waxay na xasuusineysaa in aan ka foojiknaano in cidkasta aad gurigaaga ka furto, adigoon iska eegin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here