Naxariis Daro: Burcad badeeda oo soo bandhigay rag ilmaynaya [Video]

39

Burcad badeega Soomaaliya ayaa soo bandhigay muuqaal naxariis daro ah oo ay ku cabanayaan qaar ka mid ah dadka ay madaxfurashada u haystaan. Muuqaalkaan ayaa lagu soo bandhigay dhowr nin oo labo u dhalatay dalka Denmark inta kalena ay ka soo jeedaan Filipin. Ragaan ayaa ku cataabaya in aysan waqti dheer sii noolaan doonin haddii aan madaxfurashada laga bixin.

Kaptainka kooxda oo lagu magacaabo Søren Lyngbjørn kana soo jeeda Denmark ayaa u sheegay dadkii ka duubayay muuqaalka “Fadlan na caawi! Fadlan na caawi! dowlada ka dalbo in nala siidaayo”

Waxa uu sheegay in indhaha uu cudur ka haayo isla markaana uu haayo caloolxanuun. Ragaan ayay ka muuqataa sida arxan darada ah ee loo bahdaliyo iyadoo oohintooda laga arkayo muuqaalka.

Burcad badeeda ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa hada wanaagii ka tagay oo si xun ula dhaqma dadka ay afduubtaan xitaa waxaa la sheegay in qaarkood ay doomaha ku jiidaan. Si kastaba ha ahaatee burcad badeeda ayaa qeybweyn ka ah sharaf dilka umada Soomaaliyeed ee caalamka ku nool.

Muuqaalkaan ayaa u muuqda in la duubay khamiistii la soo dhaafay 14-07-2011


Ku soo biira boggaan aan ka sameeyay Facebook si aan u muujino sida aan uga soo horjeedno ficiladaan guracan ee ay sameynayaa burcad badeeda. Somalis Against Pirates

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here