Munaasabada 1 Luulyo oo si weyn looga xusay magaalooyinka Sweden [Sawirada]

15

Soomaalida ku nool magaalooyinka kala duwan ee Sweden ayaa si weyn u xusay maalinta 1-da Luulyo ee xoriyada Soomaaliya. Koonfur ilaa waqooyi ayay Soomaalidu muujiyeen midnimo iyo isjeceyl taasoo muujineysa baahida ay u qabaan in Soomaaliya ay markale lugaheedda isku taagto oo laga dhabeeyo guushii la gaaray 1-dii Luuliyo 1960.

Wariyaheena magaalada Linköping ee gobolka Östergotland Siyaad Cabdi Jaamac ayaa ka qeyb galay munaasabadii lagu maamuusayay 1 Luuliyo isagoo noo soo tabiyay sida ay xafladaas u dhacday.

“Munaasabada Linköping ayaa socotay galabtii ilaa habeenkii iyadoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socota maamulka magaalada iyo Soomaali fara badan. Munaasabada ayaa lagu saaray calanka Soomaaliya iyadoo ay ka soo qeyb galayaashu ku soo bandhigeen hidayaha iyo dhaqanka Soomaaliya”

Dhinaca kale magaalada Fagersta ayaa waxaa ka dhacday xaflad aad u qiimo badan oo ay soo agaasimeen dhalinyaro isxilqaantay oo lagu qabtay hoolka ugu weyn magaalada. Xafladaas oo ay ka soo qeyb galeen inta badan dadka magaalada ku nool ayaa lagu muujiyay midnimo iyo galgacalka loo qabo dalkii iyadoo markii heesta calanka la daaray ay dadka ka muuqatay qiiro.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa na soo gaaraya wararka ku saabsan xafladaha ka dhacay magaalooyinka kala duwan ee Sweden inagoo ka fileyna warbixinada iyo sawirada dadka meelahaas ku dhaqan.

Halkaan ka daawo sawiradii xafladaha Linköping iyo Fagersta.

Fagersta

Linköping

WD: Siyaad Cabdi Jaamac (Linköping) & Jimcale

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here