Masiibada abaaraha Soomaaliya iyo doorka bulshada Sweden (video)

7

Sida aad la socotaan Soomaaliya waxaa ku habsatay abaar la sheegay in ay tahay midii ugu darnayd mudo 60 sano ah. Waxaa lagu qayaasay sadexmeelood 1 meel shacabka Soomaaliyeed in ay saameyn ku yeelan karto arintaan oo dhowr milyan ay qatar ugu jiraan in ay baahi u geeriyoodaan.

Abaarahaas ayaa dadkii waxaa u sii dheer colaad aan dhamaad lahayn, waloow ay adagtahay waxka qabashada colaada ayaa hadaana waxaa jira fursado lagu taageeri karo dadka ku dhibaateysan abaaraha. Haddii aysan Soomaalidu isgargaarin cidi gargaarimeyso.

Waxay ila tahay haddii aan nahay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden in ay na saarantahay masuuliyad in aan taageero u fidino walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan abaaraha oo qofkasta uu bixiyo wixii awoodiisa ah. Waxaa hubaal ah haddii qofkasta 100kr uu taageero ku bixiso in lagu quudin karo kumanaan qof balse waa haddii la helo cid aamin ah oo qaada masuuliyada ururinta taageerada iyo gaarsiinta dadka mudan.

Waxaan ugu baaqayaa dadka waxgaradka ah iyo kuwa bulshada magaca ku leh in ay hore u soo istaagaan oo hogaanka u qabtaan sidii taageero loogu fidin lahaa Soomaalida u la’aneysa baahida. Waa in aan abaabul ka bilownaa magaalo iyo tuulo kasta.

Walaahi waan ilmeeyay markii aan daawaday videoga hoos ku jira oo ay duubeen Al Jazeera. Aan ka kacno fadhiga oo aan isku gargaarno. Sidoo kale Allah aan u barino in uu dhibaatada naga saaro.

Ny%20katastrof%20hotar%20Somalia

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here