Kaniisad codsatay in dad Ethiopian ah xoog looga saaro

17

Booliska ayaa shalay kala soo baxay 26 qof oo qaxooti Ethiopian ah kaniisad ku taala magaalada Stockholm ka dib markii uu sidaas codsaday baadariga kaniisada. Dadkaan oo markii hore ka soo cararay dalka Norway ka dib markii deganaanshaha loo diiday oo lagu amray in ay isku diyaariyaan celis.

Markii ay soo galeen Sweden ayay magangalyo ka raadsadeen kaniisada  Adolf Fredriks församling ee ku taala magaalada Stockholm. Baadariga kaniisada ayaa sheegay in ay dadkaas ay caawiyeen labo bilood balse markii ay u cadaatay in ay doonayaan in ay joogaan sanad ay xaddhaaf noqotay.

Dadkaan ayaa sheegay in qaarkood ay Norway ku noolaayeen 10 sano ka badan oo ilaa intaas loo diiday sharciga hadana lagu amray in la celinayo. Waxay sheegeen in la dili doono haddii lagu celiyo ethiopia.

Booliska ayaa baari doona arintooda iyadoo ay u badantahay in la marsiin doono sharciga Dublin oo dib loogu celin doono Norway. Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in ay tahay arin aad u qaasa oo keliya in dadkaan loo ogolaado in ay Sweden degenaansho ka helaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here