Gabar 12 sano jir ah oo lagu kufsaday Stockholm

20

Gabar 12 sano jir ah ayaa lagu kufsaday Stockholm galabtii jimcada sida ay u sheegtay booliiska. Gabadhaan oo ku sii jeeday guriga saaxiibteed oo ay isku da’yihiin ayaa booliska u sheegtay in nin uu ku kufsaday dibada guriga saaxiibteed.

Saacadu markay ahayd 8:24pm ayaa booliska la soo wacay iyadoo gabadhaan ay sheegtay in nin aysan garaneyn uu soo weeraray ka dibna kufsaday. Gabadhaan yar ayaa la sheegay in ay argagaxday ka dib dhacdada.

Booliska ayaa bilaabay baaritaan balaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan ilaa 30 askari balse ilaa hada lama soo xirin qofna. Waloow kufsiyada aysan ku yareyn Sweden ayaa hadana kufsiyada loo geysto caruurta da’dooda ka yartahay 15 sano ay yihiin kuwo yar. Sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa la soo wariyay 23 dhacdo oo la xiriira kufsiga caruurta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here