Ethiopia oo qafaalatay wariyaal Swedish ah

0

Ciimada Ethiopia ayaa dhaawacay ka dibna qafaashay labo wariye oo Swedish ah kuwaasoo warbixin ka diyaarinayay jabhada ONLF. Wariyaashaan oo ka soo galay Ethiopia dhinaca xuduuda Soomaaliya ayaa isku dayaayay in ay wax ka ogaadaan xaalada cakiran ee Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay ku hayaan gobolka ismaamulka Soomaalida.

Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in dagaal ay la galeen ciidamada ONLF ay ku dileen 15 ka mid ah isla markaana ay ku soo qabteen wariyaashaan Swedishka ah oo dhaawac soo gaarey. Xaalada wariyaasha ayaa laga dayrinayaa. Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in ay maxkamad soo taagi doonto.

Wariyaasha ayaa lagu hayaa magaalada Jigjiga, waxaa kulan la qaatay safiirka Sweden u fadhiya Ethiopia isagoo sheegay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsantahay balse ka gaabsaday in uu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo sababta lagu haysto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here