Dukaamada ONOFF oo kacay

5

Dukaamada qalabka elektrooniga ee ONOFF ayaa waxaa soo wajahday qasaare weyn iyagoo maanta cadeeyay in ay keceen. Sababta ayay ku sheegeen in tartanka suuqa uu faaiido la’aan dhigay. Shirkada ayaa sheegtay in dhowr shirkadood ay la hadleen in ay heshiis galaan oo ay midoobaan balse arintaas ay soconweysay.

Dukaamada ONOFF ayaa la furay 1982 iyagoo 67 dukaan ku leh daafaha Sweden iyo dhowr dukaan oo ay ku leeyihiin wadamada Finland iyo Estonia.

Haddii aan helin qaab lagu bixiyo deymaha lagu leeyahay shirkada ayaa marka ay kacdo shirkad waxaa la wareega Hayada Kronofogden oo isku dayi doonta in ay iibiso dhamaan waxyaabaha shirkadaas ay leedahay si looga bixiyo deymaha.

Dhinaca kale dukaanka la tartama ONOFF ee lagu magacaabo Elgiganten ayaa sheegay in ay sidoo kale dareemayaan faaiido la’aanta iyo tartanka suuqa balse waxay meesha ka saareen in ay kicitaan ku dhowyihiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here