Caruurta Soomaaliyeed iyo dabaaldegga 1-da luuliyo

8

Waxaynu wada ognahay in soomaalida dhib badan ay soo martay illaa iyo haddana aanan weli laga bixin balse maalinba maalinta ka danbaysa ay sii kordhayso dhibaatada ina haysata, haddii ay noqon lahayd gudaha wadanka iyo dibada wadankaba.

Illaaha awooda wayn waxaan ka baryaynaa in uu dhibka inaga dulqaado Aaaamiin, dhibkaas oo ah mid anaga aynu isku hayno oo midba midka kale uu arki la´yahay.

Haddaba aynu iswaydiino su´aalahaan

1-caruurta yaryar ee soomaalida danbigaa dhacaaya maxay ku leeyihiin?

2-Xaqse ma u leeyihiin in ay wax ka ogaadaan taariikhda wadankoodi hooyo?

3-In soomaalida maalin farxad leedahay sidee bay ku ogaan karaan

4-Qofkeese laga sugaaya in uu howshaa qabto?

Iyo su´aalo intaa kabadan markii aan iswaydiinay bay soomaalida reer flen qaban qaabiyeen xaflad si wayn loo soo agaasimay oo caruurta yaryar lagu barayo wadankoodii hooyo, dadka soo qaban
qaabiyey waxay u badnaayeen gabdho soomaaliyeed ee magaaladaan Flen .

Si kastaba ha ahaatee waxay xaflada ku dhamaatay farxad inkastoo dadka waawayn dareemayeen farxad , ciil iyo murogo.

Waxaan Illaah ka sakoow mahad u celinaynaa walaalkeen Jimcaale oo aan leenahay ciid wanaagsan walaal, waxaynu ku leenahay halkaa ka sii wad howsha aad umada u haysid gaar ahaan reer Flen oo waxaad aad uga qaybqaadatay dhisida masjidka Alhouda muslimiska centrum, howshana si wanaagsan bay u socotaa Illaahay ha´inoo fududeeyo Aaamiin.

Asc

Qore: C/caziiz Maxamuud Baliile
Ziizbaliile@hotmail.com
Flen
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here