Soomaali ka cabanaysa balan qaad shaqo oo looga baxay

10

Isbuucii hore waxaa ila soo xiriiray nin Soomaaliyeed oo ii sheegay in balan qaad shaqo ay u sameysay shirkada dhulka nadiifisa ee Stockholm. Waxa uu sheegay in iyaga oo gaaraya 450 qof oo Soomaali u badan ay bilaabeen praktik bishii April iyagoo loo balan qaaday haddii ay si hufan ay hawsha u qabtaan in shaqo la siinayo 3 bilood ka dib.

Hadaba sida uu sheegay arintaas ayaan waxba ka soo caanasaan oo markii sadex bilood dhamaatay ayaa la qaatay 5 qof oo keliya halka intii kale loo sheegay in aan waxba loo heyn. Mar aan isku dayay in aan la xiriiro cida uu ka eedsheeganayo ninkaan ayaysan ii suurto galin in aan xiriir la sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee, ninkaan ayaa sidoo kale sheegay in uu jiro nin Soomaali ah oo ragaan wax isdaba marin ku sameeyay oo shirkada la shaqeeya. Mar uu ka hadlaayay arintaas ayuu yiri “Arintani waxaa ku lug leh nin somali ah oo aanan aqoonin qiimaha ay leeyihiin walaalihiis oo na iibsaday

Arintaan ayaan ahayn mid ku cusub Soomaalida Sweden oo meel kasta oo ay joogaan shaqo la,aantu haysato isla markaana cabasho badan ka muujiya in shaqooyinka baraatiiga ee ay sameeyaan aysan wax shaqo ah u sahlin. Sidoo kale waxaa dhici karta in isfahandaro ay jirto oo markii horeba aan wax balan qaad ah la sameynin. Shirkada 450 qof shaqo u balan qaaday iyada ayaaba wadanka oo dhan shaqaaleyn karta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here