Hoos ma iskula hadalnaa?

23

Dhowr bilood ka hor waxaan la kulmay nin Falastiini ah oo aan ka sheekeysanay arimo badan oo la xiriira soo galootiga qaasatan Soomaalida. Waloow ay Carabta iyo Soomaalidu aad isugu dhow yihiin qaab dhaqanka hadana ninkaas waxa uu ii soo bandhigay cabashooyin badan oo uu ka qabo qaab dhaqanka Soomaalida. Waxaan isku dayay in aan difaaco Soomaalida isla markaana aan eedeeyo Carabta balse waxaa ii cadaatay in aanan guul ka gaareyn difaaca Soomaalida waayo arimaha uu ninkaas ka dhawaajiyay waa kuwo iska waadixa balse waxaan ku heshiinay in aysan Soomaalida keliya ahayn ee soo galootiga kale ay dhibaatada la wadaagaan.

Cabashooyinka ninkaas uu ka hadlaayay waxa uu ii sheegay in ay tahay mid isagu uu fahmaayo balse uu u cabsanaayo sumcada soo galootiga iyo qaasatan tan Soomaalida oo uu sheegay in dhaqamada qaarkood ay aad uga yaabinayaan dadka u dhashay wadanka. Waxaa ka mid ahaa waxyaabaha uu ii sheegay in uu magaalada ku arkay 3 dhalinyaro Soomaali ah oo sheekeysanaysa iyaga oo wadada goynaya oo dhawaqooda laga maqlayo agagaarka oo dhan. Waxa kale oo uu soo bandhigay waalidiinta caruurtooda garaaca iyo dhibaatooyin kuwaas ka badan.

Markii aan sheekada sii wadnay ayaa waxaan isla keenay fikrad ah sida lagu xalin karo arintaan iyadoo ay noqotay in wacyi galin la sameeyo. Waxaan isla garanay in ay haboontahay in la qabto shir ay ka soo qeyb galaan inta badan Soomaalida kaasoo HOOS LAYSKULA HADLAAYO oo runta laysku sheegayo isla markaana ceebaha iyo qaladaadka lagu soo bandhigayo. Arintaas waxay iila muuqatay mid macquul ah waloow isagana aan ku iri waa in aad shir u qabataa carabta maadaama iyaga xitaa ay sameeyaan ficilo guracan sida waxa loo yaqaan dilka sharafta oo aan Soomaalida ku badneyn balse gaaladu u haystaan in Islaamku farayo.

Muhiimadu waxay tahay shirkii ma aanan qaban balse wali madaxayga kama bixin hadase waxaan higsanayaa in wacyi galinta aan ka bilowno halkaan oo aan HOOS ISKULA HADALNO. War Caliyoow iyo Caashooy waan ognahay dabeecadaha qalafsan ee xitaa markii dib loo fiiriyo aysan diinta Islaamku ogoleyn ee aad maalinkasta sameysaan. War aan dib isku fiirino oo aan isqiimeyno.

Sumcada Soomaalidu waa mid sii dhimaneysa balse dib u qabasho leh, wali ma aanan gaarin heerka bulshada Romaha balse haddii aanan is daba qaban mudo gaaban ka dib waan ka hoos mari doonaa inagoo la dagi doona magaca diinteena sharafta leh. Qofkasta waa in uu kan la saaxiibka ah iyo kan la walaalka ah runta u sheegaa oo layska dhaafaa dabeecadaha qalafsan ee wax u dhimaya magaceena isla markaana naga hor keenaya bulshada aan ku dhex noolnahay.

Waa dood furan…Hoos ku soo qora dhaqamada qaabka daran ee aad aragteen >>>

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here