Sidee la isugu dheelitiri karaa diinta iyo danaha shaqada?

5

Waa su,aal muhiim ah oo wax badan madaxayga ku soo laalaabatay. Waxaan la kulmay dhowr qof oo dhibaato ka haysato isku dheeli tirka diinta iyo danaha shaqada. Waxaan sidoo kale wax ka qoray dhowr qof oo diintooda darteed shaqada looga cayriyay ama ku dhaganaanta diintooda ku waayay shaqo.

Waxaa iigu dambeysay gabadh goob shaqo loo diray oo lagu amray in ay ka shaqeyso karinta hilibka doofaarka iyo iibinta qamriga. Waa arin qofka Muslimka ah ku noqon karta dhibaato kala doorasho ah. Gabadhaas way ka dooday arinta hilibka doofaarka balse waxaa dood ku celiyay dadka ay u shaqeyso oo laftooda wax ka garanaya diinta, hadalkooda waxaa ka mid ah “Islaamku ma mamnuucayo jarjarida ama karinta hilibka doofaarka ee waxa uu mamnuucayaa cunidiisa. ii soo bandhig aayada mamnuucaysa karinta?” qof luuqadii ku liita oo aan diintana wax badan ka garaneyn way ku adagtahay in uu jawaab ka bixiyo dooda nuucaas ah.

Hada ka hor waxaan sidoo kale wax ka qornay wiil Soomaaliyeed oo shaqo loo diiday ka dib markii uu diiday in uu salaamo haweeneydii goobta madaxda ka ahayd. Arintaas waxay dhalisay in maxkamad la isla tagay oo ugu dambeyntii wiilkii Soomaaliga ahaa uu ku guuleystay.

Sidoo kale dhamaadkii sanadkii hore waxaa dhacday in shirkada UPS ee boostada ay shaqada ka cayrisay wiil Muslim ah ka dib markii uu diiday in uu iska jaro garka. Arintaas ayaa sidoo kale waxaa ay gaartay xeer ilaaliya xaga cunsuriyada iyadoo kama dambeystii la ganaaxay shirkada UPS.

Sidoo kale dhibaatooyin badan ayaa ka taagan xaga salaada oo goobo badan oo shaqo ama waxbarasho aysan ogoleen in dadka Muslimiinta ahi ay ku tukadaan goobahaas ama ay tukadaan waqtiyada shaqada ama waxbarashada.

Si kastaba ha ahaatee inta badan waxaa guusha dooda iska leh dadka Muslimiinta ah oo arimo diintooda darteed shaqo loogu diido, laga ceyriyo ama lagu cadaadiyo balse waxaa dhacda mararka qaar in Muslimiintu ay ku doodaan arimo dafiic ah oo aan lagala tashan culumada isla markaana adag in laga dhaadhiciyo dadka aan nagu diinta ahayn. Waxay ila tahay in ay haboonaan lahayd in la helo culumo heegan u ah baraarujinta dadka iyo ka jawaabida su,aalaha muhiimka ah ee la xiriira nolosha wadamada qurbaha. Culumada waa in ay yihiin kuwo si fiican u fahmay nolosha wadamadaan iyo diinta si ay u fahmaan xaalada dhabta ah ee haysata Muslimiinta qurbaha.

Fikradiina ku darsada >>>

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here