Laanta Socdaalka oo racfaan ka qaadatay dadkii sharciyada loo ogolaaday

20

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa racfaan ka qaadatay dadkii sharciyada ay u ogolaadeen maxkamadaha Socdaalka. Waxaa na soo gaaraya warar sheegaya dhowr kiis oo dad Soomaali ah oo horey loogu ogolaaday sharciga iyagoo loo dacwooday ayaa Laanta Socdaalka waxay racfaan ka qaadatay go’aamadaas.

Sida caadada ah marka Laanta Socdaalka ay qof diidmo siiso ayaa waxaa loo diraa maxkamada Socdaalka taasoo iyada haddii ay go’aan ogolaansho bixiso ay Laanta Socdaalka u furantahay in ay ka dacwoodaan iyagoo u dacwoonaya Maxkamada Sare ee Socdaalka oo go’aanka kama dambeysta iska leh.

Kiisaskaan ayaa ah dadka Afrika jooga oo sharciga loo ogolaaday. Dhinaca kale dadka aysan racfaanka ka daba tuurin Laanta Socdaalka ayaa iyagana u xayiran baasaboorkii ay ku soo gali lahaayeen Sweden maadaama Somalia aysan lahayn baasaboor lagu safri karo isla markaana baasaborkii främlingspasska ay diiday maxkamada Sare.

Arintaan ayaa sii badineysa iska daba wareega ay hay’ada dowliga ah ee Sweden ku hayaan Soomaalida kala maqan, iyadoo cadeyneysa baahida loo qabo sharci cad oo rasmi ah oo ka yimaada dowlada Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here