Xanaano mamnuucday kala saarka wiilasha iyo gabdhaha

15

Xanaano ku taala magaalada Stockholm ayaa mamnuucday in caruurta loo kala saaro“isaga” iyo “iyada” taasoo ay sheegeen in ay ku doonayaan in ay ku muujiyaan sinaanta wiilasha iyo gabdhaha. Iskuulkaan oo la furay sanadkii la soo dhaafay ayaa sheegay in bulshadu ay siiso wiilasho heer ka sareeya gabdhaha taasoo cadaalad daro ah.

Erayada Swedishka ah ee “Han iyo Hon” ayay shaqaalaha iskuulkaan ku badaleen
“hen” oo ay ugu yeeraan dhamaan dadka raga iyo dumarka.

Xanaanadaan ayaa xitaa waxay buugaagta ay caruurta siiyaan ku xayeysiinayaan dadka qaniisiinta ah , iyadoo ay sheegeen in ay doonayaan in caruurtu ay noqdaan waxa ay jecelyihiin halkiii ay ka noqon lahaayeen wiil ama gabadh.

Tusaale ahaan marka caruurtu ay ciyaarayaan oo ay guri dhisayaan ayaa waxaa ka mid hawlaha xanaanadaan in ay ilmaha ka dhaadhiciyaan in ay yeelan karaan 2 aabe ama labo hooyo taasoo lagu muujinayo in ay caadi tahay in dadka qaniisiinta ah ay waalidiin noqon karaan.

Qubaro ku taqasustay cilmi nafsiga ayaa sheegay in fikrada iskuulkaan aysan wanaagsaneyn oo wiilasha iyo gabdhaha aysan isku wax jecleyn ama isku si u dhaqmin. Si kastaba ha ahaatee, arintaan ayaa la dhihi karaa waa miraha ay dhalisay dimoqraadiyada Sweden ee ah “waxaad doonto samee”.

Maamulka iskuulka ayaa sheegay in 1 waalid ay ilmahooda kala bexeen iskuulka, halka ay waalidiin badan fayl dheer ugu jiraan in ay ilmahooda gashadaan xanaanadaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here