Ururo caalami ah oo codsi u diray wasiirka socdaalka Sweden

15

5 urur oo isugu jira kuwa Swedish ah iyo kuwo caalami ah ayaa warqad u qoray wasiirka Socdaalka Sweden Tobias Billström iyagoo ka codsaday in xal laga gaaro arinta mideynta reeraha Soomaalida. Ururada kala ah Rädda Barnen, Rådgivningsbyrån för asylsökande och flyktingar, Röda Korset, Sociala Missionen iyo UNICEF ayaa warqadooda ku qoray in nidaamka hada ay ku socoto dowlada Sweden uu kala qaybinayo familada.

Ururada ayaa warqadooda ku cadeeyay dhibaatada haysata waalidiinta Soomaalida, iyagoo ka codsaday in uu cadeeyo qorshaha uu ka damacsanyahay arintaan.

“Waxaan aaminsanahay xaalada hada jirta in ay familo badan u diiday xaqa ay u leeyihiin mideynta reeraha taasoo xad gudub ku ah xeerka caalamiga ah ee CRC (Convention on the Rights of the Child). Waxaan la kulanaa maalinkasta waalidiin ay arintaan dhibaato ka haysato” ayay ururada ku qoreen warqadooda.

Warqada ayaa waxaa saxiixay madaxda ugu sareysa ururada aan kor ku soo sheegtay sida Xogyaha Guud ee ururka Rädda Barnen oo lagu magacaabo Elisabeth Dahlin, Xogyaha guud ee Laan Qayrta Cas Ulrika Årehed-Kågström iyo Véronique Lönnerblad oo ah xogyaha Guud ee UNICEF Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here