Tirada ardada dhigata SFI oo siyaaday

13

Tirada ardada dhigata koorsada luuqada Swedishka ee loogu talagalay soo galootiga (Svenska för invandrare) ayaa kor u kacday sanadkii la soo dhaafay sida ay soo tabisay wakaaladada wararka TT. 96000 oo arday ayaa qaadatay koorsada SFIga sanadkii la soo dhaafay taasoo ka dhigaysa 5% kor u kac.

Ardadii bilowday koorsada sanadkii 2008 ayaa waxaa dhameeyay 60%. Ardada luuqadooda hooyo ay tahay ruushka ayaa ugu badnaa tirada dhameysay koorsada halka ardada luuqadooda ay tahay Englishka iyo Polishka ay ugu liiteen.

Waloow aan warbixinta lagu soo bandhigin tirada ardada Soomaalida ah ee dhameysay ama dhigata SFIga ayaa codbixin aan sameynay dhowr bilood ka hor waxay soo bandhigtay in qayaastii 50% ardada Soomaalida ee akhrisata Somaliska.com ay dhameeyeen koorsada SFIga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here