Soo galootiga cunsuriyiinta ah

7

Nin lagu magacaabo Yariv Helldén oo ka soo jeeda bariga dhexe oo Sweden soo galay 11 sano ka hor ayaa mowduuc dheer waxa uu ku qoray wargeyska Newsmill.se, isagoo ku doodaya in la joojiyo soo galootiga isla markaana la caawiyo kuwa wadanka ku sugan. Aragtida ninkaan ayaa waxay la midtahay mida xisbiga cunsuriga ah ee SD balse arinta yaabka leh ayaa waxay tahay in ninkaan uu soo galooti yahay, oo isaga xitaa waqti aan sidaas u sii dheereyn ka hor uu wadanka soo galay.

Waxa uu ku doodayaa in fikrada dhaqamada kala duwan ee Sweden in ay fashilantahay taasoo macnaheeda laga wado in dadku ay isku dhaqan/diin qaataan. Hadaba waxaan la yaabahay ninkaan ma qaatay dhaqanka Sweden? Waxaan maqli jirey shimbiri maalinbey dab qaaday maalintiina gurigii hooyadeed ayay ku gubtay. Ninkaan waxaa u maleysaa in maalintii uu afkiisa kala furay oo isaga isku dilay.

Waloow la dhihi karo arimo badan oo uu kaga hadlay mowduuciisa waa xaqiiqooyin jira, sida shaqo la’aanta haysata soo galootiga, kala qeyb sanaanta bulshada Sweden iyo in soo galooti badan ay israadsadaan oo xaafado gaar ah ay saldhig ka dhigtaan ayay hadana la yaab tahay in uu ku hadlo afka SD. Markaan u fiirsaday fikrada ninkaan ayay iila muuqataa in uu runtii u danleeyahay Muslimiinta ama qaasatan Soomaalida mararka uu ka hadlaayay dad aan dooneyn in ay dhaqanka Sweden qaataan, ama dad aan aqoon lahayn oo horey shaqo la’aan u ahaa.

Waqtii doorashadii hore ayay ahayd markii dad ka mid ah soo galootiga ay u codeeyeen xisbgia cunsuriga ah ee Sverige Demokraterna dadkaas oo ay ka mid ahaayeen ciraaqiyiinta. Haddii ay Sweden yareyneyso soo galootiga iyo haddii ay siyaadineyso waa arin u taala dadka wadanka iska leh balse ma ahan in adigoo shalay wadanka soo galay aad u yeeriso waxay sameynayaan. Anigu waxaan ku bilaabi lahaa in ninkaan wadanka laga saaro oo la tuso inta ay le’egtahay qiimaha uu leeyahay.

Ma ahan ninkaan oo keliya dadka fikirkaan qabo, waxaa jira Soomaali la mid ah isaga, waxaa jira xitaa Soomaali basaasa kuwa kale isla markaana dhibaato ku ah Muslimiinta Sweden oo intii ay isleeyihiin aqbalaad ka hela bulshada Sweden isku daya in ay burburiyaan guryahooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here