Somalida Linköping oo la kulmay Xubno ka tirsan Migrationsverket

6

Somalida ku noo Gobolka Östergötland gaar ahaan Linköping ayaa la kulmay sadex xibnood oo ka socotay qeebta Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket). Sadexdaan xibnood oo kala ahaa Inger Lagersköm oo ka shaqeneysay Migrationsverket ilaa 1997 iyo Kavin oo ka shaqeneysay 1999 iyo sidoo kale Johan Bjulback oo ka shaqenahay ilaa 2007.

sadexdaan xibnood oo aan wax la taaban karo ka sheegin meesha ayaa waxeey warka ku soo gaban gabeeyeen ayagoo sheegay in aay arintaan dusha uga fadhiyaan Maxakamada sare ee Dowlada sweden iyo wasiirka socodaalka Tobias Billström.

Qodobada aay soo qaateen ayaa waxaa ka mid ahaa Go’aanka maxkamadda ee soo baxay 12 Maj 2011 waxuu la mecne yahay in qof kastoo ka soo codsanay Sharciga degenaashaha dalka asagoo dibada jooga si uu ula noolaado qof ku nool dalka Iswiidhan waa inuu cadeeyaa Jinsiyada uu yahay taas oo ku xiran Baasaboor la aqoonsanyahay.

Aqoonsigiisa inuu muujiyo qofka uu yahay taasi waxey la mecne tahay in haddii aan lafulin dalabka xaqiijinta aqoonsiga Shakhsiga waa in Laanta socdaalka jawaab diidmo ah ay ka bixisaa codsiga sharciga degenaanshaha, iyadoo Laanta Socdaalka aysan sidoo kale sii baadhi doonin in qofka qaraabo ku leeyahay dalkan Iswiidhan.

Hadalka ay ka dhawaajiyeen xubnaha ka socday Laanta Socdaalka ayaysan ku farxin waalidiintii iyo waxgaradkii Soomaaliyeed ee ka soo qayb galay kulanka.

Shirkaan oo aay soo qabanqaabiyeen somalida ku nool Llinköping, waxuuna socday shirku mudo dhan labo saacadood ayadoo la weydiiyay xubnaha ka socday Migrationsverket su’aalo mahiim ah haseyeeshee waxba kama soo naaso cadaan.

Siyaad cabdi cali (Joker)
Linköping

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here