Safarkii Hussein Samatar ee Sweden

2

Agaasimaha Xarunta Horumarinta Africa (African Development Center) ee Minnesota, USA Hussein Samatar ayaa booqasho ku yimid Sweden bishii la soo dhaafay isagoo kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku dhaqan Sweden, ganacsatada iyo madaxda Dowlada.

Mr Samatar ayaa mowduucyo dheer ka qoray kulamadii uu la yeeshay Soomaalida iyo dowlada Sweden isagoo booqasho ku tagay magaalooyin ay ka mid yihiin Halmstad, Göteborg, Stockholm, Eskilstuna iyo Karlskrona. Mar uu ka hadlaayay ka qeyb galkii shir ku saabsanaa isdhexgalka oo ka dhacay magaaalada Halmstad ayuu Mr Samatar sheegay in waxa loogu yeero isdhexgalka uusan qeex neyn oo soo galootigu ay ku jahwareersanyihiin waxa loola jeedo in bulshada Sweden la dhex galo.

Waxa uu kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen madax kala duwan oo uu ku jiro wasiirka Socdaalka, ka jeediyay qudbad ku saabsan horumarka ay xaga ganacsiga ka sameeyeen Soomaalida ku dhaqan Minnesota, USA.  Lugtii labaad ee safarkiisa ayuu Mr Samatar ku tagay magaalada Göteborg isagoo kula kulmay halkaas maamulka kamuunka iyo Soomaalida halkaas ku dhaqan. Dadka uu la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa koox Soomaali ah oo Göteborg ka qabanqaabinaya suuq ay Soomaalidu yeelato.

Qabyaalada ayuu sheegay in ay dhibaato ku tahay Soomaalida sweden qaasatan reer Göteborg isagoo intaas ku daray in dadkii uu la kulmay ay cabasho badan ka muujinayeen kala qeybsanaanta iyo hogaan la’aanta haysata Soomaalida ku dhaqan Sweden. Waxa uu intaas ku daray in loo sheegay in maamulka Swedishka qaarkood ay ka faaideystaan kala qeyb sanaanta Soomaalida oo ay ka hor istaagaan in ay hogaan wanaagsan yeeshaan.

Hussein Samatar ayaa safarkiisii Sweden ku booqday dhowr magaalo isagoo goob kasta kula kulmay Soomaalida ku dhaqan isla markaana kala hadlay sidii ay horumar uga sameyn lahaayeen arimaha shaqada iyo ganacsiga. Haydiisa ADC ayaa Soomaalida Minnesota waxay ka caawisaa sidii ay xaga ganacsiga iyo maalgashiga horumar uga gaari lahaayeen.

Mr Samatar ayaa sheegay in kulamadii uu la qaatay Soomaalida uu ka dhadhansaday in Soomaalida ay cabasho weyn ka qabaan sida loo arko, iyagoo la aaminsanyahay in ay yihiin dad mashaqeystayaal ah. Balse waxa uu sheegay in kulamadii uu la yeeshay madaxda Sweden uu ku celceliyay in Soomaalidu ay yihiin dad daacad ah oo shaqo diyaar u ah.

Magaalada Stockholm ayuu kula kulmay madax uu ku jiro wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag iyo madax ka socotay degmooyinka qaar sida Gudoomiyaha magaalada Fagersta iyagoo ka wada hadlay sidii loogu abuuri lahaa fursado ganacsi iyo shaqo Soomaalida . Mr Samatar ayaa sheegay in uu la yaabay in madaxda Sweden ay doonayaan in Soomaalidu ay shaqeeyaan balse aysan hayn macluumaad ku saabsan Soomaalida iyo inta shaqo la’aanta ah ama shaqeysa. Waxa uu sheegay in markii laga hadlayo arimaha Soomaalida ay muhiimtahay in Soomaalida laga qeyb galiyo wadahadalka balse aan iyagoo maqan aan laga sheekeysan.

Isku soo wada duuboo booqashadii Hussein Samatar ayaa u muuqata in ay indhaha u furtay maamulka dowlada Sweden iyo sidii ay Soomaalida ula shaqeyn lahaayeen. Waana tusaale fiican in Soomaalida horumarka sameysay ay u soo gurmadaan walaalahooda aan hore u kicin sida inta badan Soomaalida ku nool Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here