Malmö: Dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo tababarayo orodada

3

Dhalinyaro ku nool magaalada Malmö ayaa loo tababaraya in ay noqdaan orodyahano. Ururka isboortiga MAI ayaa si qaas ah u doortay dhalinyarada Soomaalida si ay u noqdaan orodyahanada mustaqbalka.

Hassan Warsame oo ah 13 sano jir ayaa mar uu ka hadlaayay arintaan waxa uu yiri “Waan dheereeyaa, sidaas asxaabteyda ayaa igu yiri waa sababta aan u imid halkaan” . Dhalinyaradaan ayaa waxaa tababare u ah Rizak Dirshe oo laftiisu noqday jambiyoonka xaga orodka dhowr jeer.

“Waan aaminsanahay mashruucaan, waana mid loo baahanyahay. Waxaa jira dad badan oo awood leh balse aan ogeyn in ay jirto fursadaan” ayuu Rizak Dirshe u sheegay SvT. Soomaalida ayaan lahayn dad badan oo ay kaga daydaan orodka balse waxaa jira 1 qof oo lama ilaawaan ah, Cabdi Bille Cabdi. Mashruucaan laga bilaabay Malmö ayaa la doonayaa in Cabdibillaha labaad uu ka soo baxo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here