Maleedahay Calaamadahaan? Hadaa leedahay fadlan dadka caawi

7

Ummad  waliba waxaa ay horumar ama dib u dhac ku sameeya waa qaab fakarka shabaabka ama dhalinta. Dhalinyaradu waa muraayada iyo muuqaalka mustaqbalka ummadda. Waa huganka bari, waa aabayaasha iyo hooyooyinka mustaqbalka.

Markaan dib u milicsano taariikhda dhalinyarada Somaliya waxaa la soo min guuriyaa in ay ahaan jireen halyeeyo waxaana ka garangartaa SYL tariikhda lama hilmaanka ah ee ay uga tageen dhalinyarada Soomaaliyeed iyo waliba Somaliya, taas oo inta aduunku jiro laxusidoono  waxayna taas ku mutaysteen waa wax qabadkii iyo guushii ay u soo hoyiyeen dadka Somaliyeed  iyo dalka oo dhan. SYL waxa ayka koobmeen 13 xubnood oo isku bahaystay in ay la dagaalamaan cadawga Somaliya waxayna isku dhaarsadeen gacmanaha isku qabsadeen midnimo, Walalnimo, Somalinimo, Islaanimo iyo wadaninimo taas bayna ka dhabeeyeen. Waxayna lahaayeen hadaf  ay tooganayeen oo ah in ay mar uun arkaan Soomaaliya oo xor ah, somaliya oo dawlada ah, somaliya oo qaran ah iyo somaliya oo somaliya ah.

Kuma ekeyn 13 xubnood oo kaliya ee waxaa jiray kumanaan iyo kumanaan garabtaagan oo naf iyo maal u huray hadafka iyo hanka wiilasha iyo gabdhaha  yaryar  kuwaas oo isugu jiray rag iyo dumar.  Waxaa ka mid ahaa  gabdhaha tariikhdu xusto Xaawo Taako, Xaawo Osman  waxaa la yiraahdaa waxay dhalatay qiyaas ahaan 1925 waxayna ku dhalatay magalada muqdisho  waxayna dhimatay ama shaihiiday ayada oo ku jirta halgan dagaal xawo osman waxaa la sheegaa in ay ahayd naafo ka dhutida lug dhimatay iyada oo xanbaarsan cunug sida aad ku aragteen Taaladeeda taariikhdu markay ahayd 1948,  kadib markii gumaystihii uu si arxan la,aan ah oda uga qaday raasaas banaanbaxayaal ay ka mid ahayd.

Dhamaan waxay ahaayeen dhalinyaro ka dhiidhiyeey marxalada markaas jirtay iyo xaaladii ay ku sugnaayeen dhalinayarada Somalia waxaa lagu farin jiray marka uu garo 12 ilaa 20, waxii intaas ka danbeeya lagama sugi jirin wax dadnimo ah haduusan intaas inta u dhaxaysa ka soo dhalalin ficiisa  ama dadnimadiisa. Waxaana jirtay wax yabo lagu odarasi jiray garaadka ama dadnimada qofka. Waxaa ka mid ahaa  hadalada ku tusinaya ama daliilaha

-Wiil haduu 12 jiro oo lali ahaan waayo
-marti leeldhaxaad timid haduu loolka furanwaayo
-raganima lidiiskuma jirtee liicyaye ogada

Anigu waxaan maanta ku cabirayaa qodabadan hoos ku qoran dhalinyarada.  Hadaba waxaan ka codsanayaa dhalinyarada qofkii iska hela calamadahan in uu u istaago wax u qabadka umadiisa iyo naftiisaba. Waxaana  oran laha plz qalin iyo warqad ku qoro si aad isaga baarto in aad leedahay astaamaahaan ama sumadaan

1 matahay aqoon yahan
2 matahay geesi
3 maleedahay  balaaqad ( codkar)
4 ma u tahay looyar cadaalada (Dacad)
5 maleedahay  go,aan adag
6 matahay Qof  wax quurleh  (deeqsi)
7 matahy qof wax fahama (Deki.xariif.caaqil)
8 matahay mu fakar
9 maleedahay Han iyo hadaf
10 matahay aamin
11 matahy  wadani

WQ: Rooble

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here