Finland oo laga yaabo in ay adkeyso mideynta reeraha Soomaalida

2

Mideynta reeraha Soomaalida ee Sweden ayaa guud ahaan joogsatay sanadkii la soo dhaafay iyadoo laga yaabo in wadadaas ay qaato dalka dariskeena ah ee Finland ka dib go’aan laga filayo dowlada sida ay qortay warbaahinta YLE ee ka soo baxda Finland.

Finland ayaa waqtiga hada la joogo waxaa ka furan mideynta reeraha Soomalida balse sida ay sheegtay Heikki Taskinen oo ka tirsan Laanta Socdaalka Finland waxay u badantahay in Finland ay raaci doonto wadada Sweden. Ka bilaabatada sanadka soo socda ayay qasab noqoneysaa qofka doonaya in uu reerkisia keeno Finland in ay reerka codsiga ka soo sameeyaan dibada Finland.

In Finland ay soomaalida ku xiri doonto in ay cadeeyaan aqoonsigooda inta aan codsigooda la eegin sida Sweden ay sameyso ayaa ku xiran go’aanka dowlada balse qaar ka mid ah xubnaha dowlada ayaa ku baaqaya in la adkeeyo mideynta reeraha Soomaalida. Jaaliyada Soomaalida ee Finland ayaa sheegtay in ay rajeynayaan in dowlada aysan qaadi doonin wadada Sweden waloow ay u muuqato in ay sidaas ku socoto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here