Finland oo aqoonsi gaar ah u sameynaysa soo galootiga

6

Dalka dariska la ah Sweden ee Finland ayaa ka bilaabata bishaan Juun waxa ay kaar aqoonsi oo gaar ah u sameynayaan dadka soo galootiga ah. Dadka u dhashay finland ayaa qaadan doona Kaar buluug ah, halka kuwa soo galootiga ah la siin doono mid Borown ah.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in booliska ay doonayaan in ay fududaato la socotka soo galootiga. Dadka u dhashay Finland ayaa kaarkooda aqoonsiga u isticmaali kara in ay ku safraan gudaha Yurub, halka soo galootigu aysan midaas sameyn karin.

Kaararkii hore ee aqoonsiga ayaa la isticmaalai doonaa ilaa inta ay ka dhacayaan. Arintaan ayaa mucjiso ku noqotay dad badan, iyadoo lays dhihi karo waa cunsuriyad iska cad in dadka sidaa loo kala takooro. Sweden ayaysan ka jirin nidaam nuucaas ah.

Sanadkaan ayaa Finland waxaa doorashadii baarlamaanka guul weyn ka soo hooyay xisbi cunsuri ah oo lagu magacaabo True Finns.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here