Cunsuriga ugu weyn Holland oo dambi lagu waayay

3

Ninka ugu magaca dheer cunsuriyiinta Yurub ee hogaamiya xisbiga Xoriyada ee ka dhisan Holland Geert Wilders oo caadeystay aflagaadeyn Islaamka iyo Muslimiinta ayaa maxkamadi dambi ku wayday ka dib markii horey loogu eedeeyay in uu faafiyay borobogaando ka dhan ah Muslimiinta wadankaas.

Ninkaan ayaa diinta Islaamka ku tilmaamay mid fashisti ah isagoo Quraanka la barbar dhigay buugii Hitler waxa uu sidoo kale soo saaray filim lagu aflagaadeeyay Islaamka oo lagu magac daray Fitna.

Xaakimka maxkamada ayaa ku yiri Welders “Waxaa lagugu waayay dambi, maxkamadu waxay ogaatay in hadalkaagii uu yahay mid la aqbali karo marka laga hadlayo dooda bulshada”

Mar uu ka hadlaayay dareenkiisa ayuu cunsuriga waxa uu warbaahinta u ku yiri ” Aad baan ugu faraxsanahay go’aankaan. Waa guul u soo hoyatay dadka Holland. Waa guul u soo hoyatay xoriyada hadalka. Waxaa naloo ogolaaday in aan si adag uga hadalno Islaamka. dambi ma ahan in aan dalkeena ka difaacno Islaameynta”

Arintaan ayaa waxay wadada u furi kartaa cunsuriyiinta kale ee ku nool Yurub in ay waxay rabaan ku hadlaan, waloow hadaba ay sidaa sameeyaan oo Sweden xitaa ay ku nool yihiin kuwo caadaystay aflagaadada Islaamka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here