“Cayrta waalidka ha laga yareeeyo si ay u shaqeystaan”

22

Lacagaha cayrta ah ee la siiyo waalidiinta soo galootiga ah ayaa lagu taliyay in laga yareeyo si ay u shaqeystaan. Warbixintaan oo ay soo bandhigeen quburo ay Dowlada u xil saartay in ay arintaan baaritaan ku sameeyaan ayaa lagu sheegay in lacagaha waalidiinta la siiyo ay maxbuus ka dhigaan waalidiinta oo fasax isaga jira halkii ay ka shaqeysan lahaayeen.

Gudigaan ayaa ku taliyay in lacagtaan lagu xiro da’da caruurta, waxay sheegeen in waalidiinta ku cusub Sweden ee caruurta waaweyn wata laga yareeyo waqtiga ay lacagta qaadan karaan.

Lacagta loo yaqaan föräldrapenning oo gaareysa 5400 bishii ayaa waxaa xaq u leh dhamaan waalidiinta cusub oo  xitaa wata caruurta ay da’dooda tahay 5 sano, gudiga ayaa ku taliyay in la yareeyo lacagtaas. Gudiga ayaa sidoo kale ku taliyay in guud ahaan la joojiyo lacagta loo yaqaan vÃ¥rdnadsbidraget ee daryeelka caruurta oo gaareysa 3000kr. Lacagtaas ayaa waxaa xaq u leh waalidinta caruurtooda u dhaxeyso 1-3 sano ee aysan caruurtooda tagin xanaanada.

Wasiirka isdhexgalka ayaa sheegay in uu arintaan dib u eegayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here