Borlänge: Ururka UMIS muxuu kaga duwan yahay ururada kale [Video]

10

Maalintii sabtida waxaan booqasho gaaban ku tagay magaalada Borlänge ee gobolka Dalarna taasoo sanadihii dambe noqotay goob ay Soomaalidu aad u dageen. Borlänge ayaa lagu qiyaasaa Soomaali ku dhow 2000 in ay ku nool yihiin.

Sida caadada ah marka Soomaali ay magaalo isugu tagaan waxay abuurtaan jaaliyado ka shaqeeya danahooda, marar badan jaaliyadaas waxay dhaliyaan qilaafyo iyadoo ay dhacdo dhowr layska garab dhiso. Magaalada Borlänge waxaa ka dhisan dhowr jaaliyadood balse mid ka mid ah ayaa waxaa isoo gaaray amaantooda. Ururka Midnimada Soomaaliyeeed (UMIS) waa jaaliyad laga dhisay magaalada Borlänge sanadkii hore.

Waxaan wareysi la yeeshay afhayeenka ururka Maxamed Maxamud Guure, isagoo iiga waran qaabka uu u shaqeeyo ururka UMIS.

Dhinaca kale goobta wareysiga waxaa ka socday bandhig buugaag Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay nuucyada kala duwan ee buugaagta ay qoreen qorayaal Soomaaliyeed oo ku dhaqan Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here