Billström oo balan qaaday xal ku aadan mideynta reeraha Soomaalida

16

Ka dib go’aankii maxkamada iyo doodii baarlamaanka ee bishii la soo dhaafay ayaa Ulla Andersson oo ka tirsan xisbiga Vänsterpartiet waxay suaal qoraal ah waydiisay wasiirka Socdaalka, taasoo ahayd in uu sheego waqtiga ay dowlada xal u keeneyso arinta mideynta reeraha Soomaalida?

Wasiirka Socdaalka ayaa arintaas uga jawaabay in iyadoo la raacayo heshiiskii dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet iyo qaanuunada mideynta reeraha ay dowladu xal u keeni doonto arintaan. Waxa uu intaas ku daray Tobias Billström in ay xafiisyada dowlada ka socoto shaqada ku aadan xal loo helo arintaan.

Jawaabta wasiirka waloow aysan ahayn mid waqtigeeda cadyahay ayay hadana tahay rajo wanaagsan in ay socoto xalinta dhibaatada  mideynta familada Soomaalida oo dhibaato weyn ku ah kumanaan Soomaali ah oo ku dhaqan Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here